2142 Views

DHAGAYSO:- Xarun muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo la sheegay in dib u dayactir lagusameendoono

DHAGAYSO:- Xarun muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo la sheegay in dib u dayactir lagusameendoono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017– Xaflad Casho sharaf ahayd oo lagu soo dhaweynaayay Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta qaaradda Africa AHMED AHMED ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafladda ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in loo baahan amniga Magaalada Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo maadaama Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta qaaradda Africa AHMED AHMED uu ku soo wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho isla markaana Hay’addaha amaanka loogu baahan yahay in ay sii xoojiyaan amniga.
Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in dib u dayac tir lagu sameyn doono Garoonka Studium Muqdisho oo hada Xarun Ciidan u ah Amisom.

Guddoomiyaha Baarlaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Dowladda ay farxad weyn u tahay in Magaalada Muqdisho ay ku soo dhaweyso Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta qaaradda Africa AHMED AHMED.

Waxa uu ugu baaqay in Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta qaaradda Africa AHMED AHMED uu ka shaqeeyo hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyn doonto dhiira gelinta Dhalinyarada Cayaartooyda ah isla markaana fursad loo siin doono iney Xirfadooda hormariyaan.

HALKAN KA DHAGAYSO

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment