2733 Views

Kulan looga hadlayay Tayaynta hay’adaha Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay Tayaynta hay’adaha Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 – Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan xukuumadda Federaalka ah, agaasimayaal, madaxda guddiga shaqaalaha rayidka xubno matalayey Bankiga dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa dhinacyada ka qayb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu ka soo bilowday mashruuca Tayaynta Hay’adaha dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qayb galay kulanka.

Wasiiru- dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaN uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayaynta hay’adaha dowladda.

Hadafka ugu wayn ee mashruuca tayaynta Hay’adaha dowladda ayaa ku salaysan sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska Raiisul wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment