3054 Views

Madaxda Sare ee Dowlada oo Mararka Qaar Sameeya?

Madaxda Sare ee Dowlada oo Mararka Qaar Sameeya?
____________________________________________________________________________

Madaxda Sare ee Dowlada oo Mararka Qaar Sameeya Ficila aan ku Habooneyn Shirarka  ay Tagaan.

Horaa loo yiri  “war helaaba, tala hela”

Muqdisho | April 13, 2017 – Sida la wada og yahay Masuuliyadu waa Xil culus, una bahan in mar walba la ilaaliyo Asluubteeda iyo  Maamuuskeeda, lana siiyo mudnaanta ay leedahay, waayo qofka masuulka ah wax badan ayuu dheer yahay dadka kale, hadey noqon lahayd Sharafta Xilka, Maamuuska iyo magaca uu dheer  yahay umada inteeda kale.

Waxaa jira Xeerar iyo Sharuudo la rabo in ay ku hogaamiyaan, iyadoo ay waajib tahay in aad u hogaansanto, adigoo mar walba ku saleynayo shaqada aad qabato maalin kasta, waxaa intaas dheer Shaqo kasta waxay leeday Xeerar iyo dhaqano ugaar ah, una bahan in mar walba la siiyo Tixgelintooda iyo  mud naantooda  u gaarka ah.

Hadaba waxaa waajib ah in Xilka  ama Darajada (jagada) la sharfo, iyadoo laga ilaalinayo wixii dhaawici kara ee ku saabsan dhaqanada ay sameeyaan masuuliyiinta, iyadoo laga yaabo in ay masuuliyiinta qaar mid ah aysan  ogeyn Xilka ay hayaan mudnaanta uu mudan yahay iyo Ficilada la rabo in ay muujiyaan (body Language) marka ay joogaan Shirarka ay la leeyihiin Diblumasiyiinta sar sare ama Hay’adaha Dowlada.

Sikastaba, waxaan marar badan ARAGNAA Madaxweyne Farmajo,  Ra’isul Wasaare Kheyre, Wasiirada ama  Xildhibaano  SAMEYNAYA Ficilo aan ku habooneyn Xilalka ay hayaan, iyagoo jooga  shirar ay la leeyihiin  Diblumaasiyiin Sar Sare ama iyagoo kormeer Shaqo ama  booqasho ku tagay Hey’adaha Dowlada Qaar kood, Ficiladaasina waxay dhawac ku yihiin Xushmada ama Maamuuska Xilka ay hayaan.

Waxaa maqalkan la socda sawirka Ra’isul wasaraha oo boqday Wasarad, bal nala fiiri hadii ay sax yahay ama  uu qalad jiro, qaabka uu u Fadhiyo Masuulka?

War iyo Dhamaan, waxaa jira Xafiis la yiraahdo (Xafiiska Borotakoolka) oo u qaabilsan dowlada in uu marwalba SOXO wixii qalad ah ee ay Sameeyaan Madaxda dowlada, iyagoo la rabo in ay siiyaan Taba bar toos ah iyo mid dadban Masuuliyiinta dowlada si loo yareeyo Qaladaadaka ay sameynayaan Madaxda, Qaladaadkaasi oo inta badan ku dhaca Aqoondaro iyo Waayo aragnimo la’aan jirta, iyo isla wayni ku jirta Masuuliyiinta qaarkood.

Ficiladan Qaldan ee dhacaya, waxay daliil u yihiin in aysan Shaqadooda Qabsanin Xafiiska Borotakoolka ama ay yihiin dad ay Yartahay aqoonta  Borotakoolka oo anay fahmi Karin waxa ka QALDAN, markii ay la kulmaan qofka masuulka ah ee ay la shaqeeyaan Rag iyo Dumar mid kood.

Waxaa xaqiiq ah in Masuuliyiinta Somaaliyeed in ay yihiin dad Madax adag oo isla wayn, marna aanan ogolaan in ay qaataan Qaladkooda, mar walbana waxay jecel yihiin in ay Cudurdaar u sameeyaan Qaladka ay Sameeyaan, intii ay Qiran la haayeen qaladkooda oo ay ka bixin la hayeen Raali gelin, waxaa intaas dheer ma jecla in loo sheego Qaladkooda!!!

Inta badan Masuuliyiinta waxay isticmaalaan dhaqdhaqaaqa Xibnaha jirkooda “body language”  oo ay ugu horeeyaan, Gacmaha, Qosolka iyo Qaabka fadhiga, munaasabad kastana waxay leedahay qaab loo adeegsado dhaqdhaqaaqa jirka.

Ugu dambeyn, borotakoolka shaqadiisa  waa in ay SAXAAN ama Ilaaliyaan, wax kasta oo dhaawici kara Sharafta Dowlada ama Shaqsiga Masuulka ah, waana in ay siiyaan Taba baro Toos ah iyo kuwa dadban Madaxda Dowlada, waxaan hada ka hor ku arkay si ka dis ah Hotel ka mid ah, Hoteelada Muqdisho, Shaqsi wasiir ah,  waxaan aad uga xumaday Labiska uu watay Shaqsigaas, waana  ogahay in aysan ahayn waqti Shaqo, hadana waa in Masuulka u muuqdaa Darajada uu hayo.

Qoraakan ma aha mid wax lagu dhaliilayo ama lagu cambaareynayo ee waa is toosin iyo is tusaalayn.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment