3063 Views

Ra’iisal Wasaaraha oo kormeeray Hanaanka shaqo ee qaar ka mid ah wasaaraddaha Xukuumada

Ra’iisal Wasaaraha oo kormeeray Hanaanka shaqo ee qaar ka mid ah wasaaraddaha Xukuumada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha, isaga oo kormeeray Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.

rw-khayre-wwarfaafinta-6 rw-khayre-wwarfaafinta-7 rw-khayre-wwarfaafinta-5 rw-khayre-wwarfaafinta-3 rw-khayre-wwarfaafinta-1 rw-khayre-wwarfaafinta-2 rw-khayre-wwarfaafinta-4

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment