2928 Views

WAR DEG DEG AH:- Tiro hoobiyayaal ah oo kusoo dhacay qeybo kamid ah magalada Muqdisho

WAR DEG DEG AH:- Tiro hoobiyayaal ah oo kusoo dhacay qeybo kamid ah magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017 – Hoobiye ayaa Galabnimadan waxa uu ku soo dhacay Nawaaxiga Iskuulka Xasan Qariidi oo ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Madfacan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Arday halkaasi ku sugneyd.

Inta la xaqiijiyay Gabar yar oo Ardayad ah ayaa ku geeryootay, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo sheegeen saraakiisha laamaha caafimaadka ee goobta gaaray.
Hay’adaha laamaha amniga Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Hoobiyaha ku soo dhacay,, waxaana ay wadaan baaritaanada la xiriira halka laga soo tuuray Madfacan.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa (Q.O.L) u sheegay ragga falkan ka dambeeyay in ay ku baxeen Ciidanka ammaanka, laguna raadjoogo, si cadaalada loo horkeeno.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment