3717 Views

Wasaarada Waxbarashada DF Iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada Dalka Oo Muqdisho uga Furmay Maanta

Wasaarada Waxbarashada DF Iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada Dalka Oo  Muqdisho uga Furmay Maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 –Kulankan oo ujeedkiisu ahaa tayeynta waxbarashada Dalka ayaa waxaa Magaaladda Muqdisho ay ku yeeshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleeedyada,waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore looga hadlay kulamo wada tashi oo horey wasaarada waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ay ugu qabatay qeybaha waxbarashada ee Dowladda Goboleedyada ,waxaana wasiirada waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada ay ka hadleen aragtidooda kulankan iyo sida ay la tahay in waxbarashada dalka lagu horumarin karo.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud C/lle ‘’Jaabiri iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana looga baahanyahay Dowladda Goboleedyada in ay ku dadaalaan horumarinta waxbarashada deegaanadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ ayaa kula dardaarmay Madaxda waxbarashada ee Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedyada in la sameeyo Xarumo dowladeed,iyadoo laga tala gelinaayo Daladaha waxbarashada maadaamaa ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in ubadka Soomaaliyeed uu helo waxbarasho tayeysan.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment