6651 Views

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Lakulmay Danjireyaasha Turkiga iyo Sweden

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Lakulmay  Danjireyaasha Turkiga iyo Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa maanta xafiiskiisa gooni gooni ugu qaabilay Danjiraha Turkiga ee fadhigiisu yahay Muqdisho Olgan Bekar iyo Danjiraha Sweden ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mikael Lindvall.

Kullamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, C/qaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudane Yuusuf Garaad ayaa Labada Danjire uga warbixiyay isbeddelka dalka ka dhacay iyo in ay Dowladdu tahay mid la dagaallameysa musuq maasuqa isla markaasna si daalacan u qabaneysa howlaheeda siiba lacagaha soo gala iyo kuwa ay kharash gareyso.

Sidoo kale Wasiirka ayaa dhinacyadan uga warbixiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaranka maaddaama uu Agaasinkaasi yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnebiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa Dowladaha Turkiga iyo Sweden waxa uu uga mahadceliyay taageerada ay siinayaan Soomaaliya, taasi oo ah mid ummadda Soomaaliyeed ay raalli ka tahay abaalna ay uga hayso.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in mashruuc biyaha iyo waraabka ah uu ka hirgeliyay Jowhar, isaga oo sidoo kale sheegay in uu damacsan yahay in uu degaanno kale uu gaarsiiyo taageeradiisa.

Dhanka kale Danjiraha Sweden ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mikael Lindvall ayaa aragti wanaagsan iyo yididdiilo ka muujiyay Xukuumadda cusub iyo sida ay Safaaradda Sweden u ballaaratay baaxad ahaan intii uu isagu ahaa Danjiraha.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment