3957 Views

DEG DEG :- Qarax goordhow lala beegsaday gudiga gurmadka abarah

DEG DEG :- Qarax goordhow lala beegsaday gudiga gurmadka abarah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Sarakuusta ayaa ku waramaya in halkaasi lagu weeraray gawaari ay la socdeen guddiga Gurmadka abaaraha, xubno ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo marti la socotay oo ku sii jeeday deegaanada ay daganyihiin dadka barakacayaasha ee ku nool duleedka Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa Q.O.L u xaqiijiyey in qarax lagu weeraray guddiga gurmadka iyo Ajaaniib la socotay oo marayey meel ku dhow Sarakuusta, waxaana uu sheegay in qaraxa wax khasaare nafeed uusan geysan, hasa’ahaatee uu burburay mid ka mid ah gawaarida ay wateen.

Sheih Nuur waxaa uu tilmaamay in qaraxa la dhigay wadada dhinaceeda, islamarkaana uu qabsaday gaariga, balse uusan ka dhalan khasaare kale.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment