2988 Views

FAAHFAAHIN:- Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Maraykanka

FAAHFAAHIN:- Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Maraykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – 3 nin oo Soomaali ah ayaa lagu toogtay magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio, iyadoo mid ka mid ah uu geeriyooday.

Telefishinka WHAM ayaa baahiyey in Marxuum la oran jirey Cumar C/qaadir Cali oo 25-jir ah lagu dilay Toogasho taasoo u muuqatay Isku-day dhac hubeysan.

Waxaa kaloo Toogashadaasi si xun ugu dhaawacmay nin la dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Cali C/qaadir Cali oo 23-jir ah iyo Maxamed-deeq oo 23-jir ah.

Boliska ayaa sheegay inay Toogashadaasi ka dhacday meel ka baxsan dhismo uu deggan yahay saaxiibkooda.

Boliska waxay su’aalo weydiinayaan qof 4-aad oo dhallinyarada la toogtay la saarnaa gaari noociisu yahay SUV oo ay Soomaalidu u taqaano RONET.

Saddex Dhallinyaro ee la dhaawacay ayaa u tegay magaalladda Columbus ee gobolka Ohio si ay uga qeyb galaan Tartan K/Cagta oo ay qaban qaabiyaan bahda sportiga magaalada Columbus kana qeyb galyeen kooxo badan oo ka kala yimid gobolada iyo magoolooyinka dalka Mareykan-ka iyo dalka Canada, ciyaarahan oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabt magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa ah kuwo socda 17-kii sano ee lasoo dhaafay ahna meel ay bahweynta Sportiga Soomaaliyeed ay isugu yimaadaan sanadwaliba.

Dhamaan sddexdaasi dhallinyaro waxay Qaxooti ahaan muddo dhowr sannadood ugu noolaayeen magaalladda Rochester ee Gobalka New York.

 

.

.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment