14289 Views

Full VIDEO: Booqashadii Gudoomiye Taabid ee Dayniile iyo Nimcaan Hilaac

Full VIDEO: Booqashadii Gudoomiye Taabid ee Dayniile iyo Nimcaan Hilaac
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 19, 2017 – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay Booqasho howleyd ku tagay Dagmada ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Dayniile.

Gudomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey booshadiisa Xubno ka tirsan labada aqal wasiiro taliyaha ciidanka Booliceka saraaskiil  ciidan siyaasiyin ooyaasha dhaqanka aqoon yahano dhalinyaro haween iyo waxgaradka kale oo Munaasibada lagu casuumay .

Gudoomiye taabid  ayaa dagmada iyo ispitalka daynile si heer sare ah loogu soo dhaweeyey waxaana sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay kooxda barbaarta gaashaaman fanaaniin uu hogaaminayey Nimcaan hilaac iyo dadweyne aad u fara badan .

Dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa dadka deeganka u soo jeediyey mhadcelin balaaran waxayna ku dhawaaqeen balanqaadyo kala duwan

Munaasibada oo ka dhacday hotel tropical oo ku yaal dagmada dayniile ayaa Wafdigawaxay warbixin ka dhageystay Gudoomiyaha dagmada dayniile Axmed nuur Cabdi Siyaad.

Taliayaha Ciidanka Bolice janaraal saacid ayaa dhalinyarada ku booriyey in ay ku biiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu booliska u qaaday doono ila 100 dhalinyaro ah dhawaan .

Cabdicxasiis Xildhibaan oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa ispitalka dayniile u balan qaaday in uu ku biiri doono ilaa 50 sariir

Wasiirka amniga ayaa booqashadiisa ka sheegay in amnigu yahay in laga baqo balse uusan marnaba isagu baqeyn wuxuuna balan qaaday in uu socon doono meel kasta iyo waqti kasta .

Dagmada dayniile ayaa Noqoneysa damadii uu howshiisa ka bilaabay gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo looga fadhiiyo waxqabad dhab ah isla markaana la taaban karo.

.

.

.

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment