2580 Views

Soomaali lasheegay in ay ka barbar dagaalamaysay xuutiyiinta oo gacata lagu dhigay

Soomaali lasheegay in  ay ka barbar dagaalamaysay xuutiyiinta oo gacata lagu dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – Jeneral Samiir Al-xaaj oo ka mid ahaa Taliyayaasha sare ee Ciiddanka Dowladda Yemen ee dagaalka kula jirta Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ee ka soo baxa Sacuudiga, wuxuuna tilmaamay inay tiro Muwaadiniin Soomaali ah oo la safnaa Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku qabteen dagaalo ka dhaca Degmooyinka Mukha iyo Tacis, waa sida uu hadalka u yiri.

Jeneral Samiir Al-xaaj waxa kale oo uu xusay in Soomaalida ay u qabteen maxaabiis ahaanta u gudbiyeen magaalladda Cadan oo ah Caasimadda KMG ee Dowladda Yemen, lana filayo in loo sii masaafurin doono dalkooda hooyo.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee Yemen dhawaan sheegeen inay 130 qof oo Somali ka soo daad-gureeyeen Yemen, kuwaasi oo lagu soo celiyey

Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiiradda Yemen ayaa lagu sheegay inay Kooxda Xuutiyiinta bilaabeen inay dadka Barakacayaasha dejiyeen goobaha dagaalka, si ay gabaad uga dhigtaan Duqeymaha iyo weeraradda lagu hayo Deegaanadda ay ku sugan yihiin.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment