2571 Views

Xildhibaanada Aqalka Sarre Oo Maanta Doortay Gudiga Ugu mid noqon Lahaa Gudiga Dib U Eegista Dastuurka KMG

Xildhibaanada Aqalka Sarre Oo Maanta Doortay Gudiga Ugu mid noqon Lahaa Gudiga  Dib U Eegista Dastuurka KMG
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017–Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta doortay xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga dib u eegista dastuurka KMG ah.

Kulanka 25aad ee kalfadhiga 1aad oo maanta ay u dhammaayeen guddoonka, waxaa soo xaadiray 46 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad  Mowliid Guhaad.

Ajendaha kulan waxaa uu ahaa doorashada xubnaha guddiga aqalka sare ee deb u eegista dastuurka, waxaana lagu qeybsaday nidaamka 4.5, inta badan beelaha waa isu tanaasuleen marka laga reebo Hawiye iyo Dir.

Murashaxiinta Hawiye, Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa waxaa  38 cod uga guuleystay Sen. Maxamed Cusmaan Faarax Dhaga-juun oo helay 7 cod.

Murashaxiinta Dir, Murashax Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan ayaa 27 cod uga guuleystay Sen. Deeqo Xasan Xuseen  oo heshay 19 cod.

Magacyada Guddiga:

  1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud-Faroole
  2. Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid: 38
  3. Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
  4. Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan: 27
  5. Sen. Iftin Xasan Iman

 

 

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment