3777 Views

Diyaaradihii Qaadka Muqdisho Keeni jiray Oo Maanta Lagu Arkay Jowhar

Diyaaradihii Qaadka Muqdisho Keeni jiray Oo Maanta Lagu Arkay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20, April 2017 –Xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ayaa waxa ay xaqiijiyeen in diyaaradahaasi ay ka dageen Magaalada Jowhar oo Shan ka mid ah ay ka degi jireen Muqdisho, halka mida lixaadna ay tahay mid maalin kasta Jowhar ka degta.

Ganacsatada qaadka ee Muqdisho ayaa qaatay go’aan adag, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku kordhisay lacagta canshuurta qaadka, taasi oo keentay in Diyaaradihii ka soo degi jireen Garoonka Aadan Cadde ay la aadeen Magaalada Jowhar

Marduufka Jaadka ayaa Garoonka Aadan Cadde, markii hore waxaa lagu canshuuri jiray 43,000 oo Shilin Soomaali ah, halka ganacastada ay sheegeen Dowladda inay ku kordhisay lacag dhan 10,000 oo Shilin Soomaali ah, lacagtana ay noqotay 53,000 oo Shilin Soomaali ah.

Gaadiid fara badan ayaa Jaadka looga soo daabulay Magaalada Jowhar, kuwaasi oo ku soo socda Magaalada Muqdisho, waxaana dadka jaadka cuna ay sheegayaan maanta qiimaha inuu isbedel ku yimid, maadaama meel fog laga keenaayo qaadka.

Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ayaa sheegay haddii Dowladda aysan wax ka bedelin qarashka canshuurta ee ay kordhisay in maalin kasta qaadka ay ka dejinayaan Magaalada Jowhar.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arintaan, sidoo kale Dowladda oo qarash fara badan ka soo geli jiray maalin kasta qaadka, maanta wax qarash ah kama soo gelin oo lacagti Dowladda ay qaadan jirtay maanta waxaa qaatay Maamulka Hirshabeelle.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment