2943 Views

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga Hadlay Arima DHowr ah

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga Hadlay Arima DHowr ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20, April 2017 –XGolaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyada si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

 

 

2

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment