2775 Views

Ciidamad Nabdsugida Jubaland oo gacanta ku soo dhigay waxyaba qaraxa

Ciidamad Nabdsugida Jubaland oo gacanta ku soo dhigay waxyaba qaraxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha Qarxa iyo Raggii waday Qaraxyadaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Axmed C/laahi Ciise ayaa faah faahin ka bixiyay Raggan la soo qabtay iyo waxyaabaha Qarxa oo ay wateen, isaga oo sheegay Raggan in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa Saddex Bambo-gacmeed iyo Raggii watay, isaga oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen iyaga oo aan lagu fulin hadafkii laga lahaa.
Axmed C/laahi Ciise Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa u mahadceliyay shacabka Jubbaland oo ka shaqeeyay in Waxyaabahan Qarxa gacanta lagu dhigo.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment