2988 Views

DAAWO SAWIRADA:- Qaar ka mid ah xildhibaannada Maraykanka oo u istaagay gargaarka Soomaaliya

DAAWO SAWIRADA:- Qaar ka mid ah xildhibaannada Maraykanka oo u istaagay gargaarka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Qaar ka mid ah xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Maraykanka ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii loo gargaari lahaa Dadka ay Abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gudaha Dalka Soomaaliya.

Kulan ay soo abaabushay Amy Klobuchar oo Aqalka Senot-ka Maraykanka u matasha Gobolka Minnesotta, uuna ku wehliyay wakiilka Minisotta ee Golaha Congarees-ka ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta ARC ee Magaalada Minneapolis caasimadda Gobolka Minisotta ayaa diiradda lagu saaray sidii Madaxweyne Donald Trump loogu qancin lahaa sidii loo joogtayn lahaa kaalmada lagu bixiyo howlaha gargaarka ee uu Dalkaasi bixiyo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka minisotta iyo wakiillo ka socda qaar ka mid ah hay’ada Samafalka oo shirka laf-dhabar u ahaa ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay go’aanka uu maamulka Trump ku jarayo dhaqaalihii la siin jiray laamaha gargaarka.

Hodan Xasan oo ka mid ah Soomaalidii kulankaasi kasoo qayb gashay ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanku haatan haysato fursaddii ay ku kasban lahayd Dadka Soomaaliyeed maaddaama laga yaabo in kooxaha xagjirka ah ay Maraykanka u tusaan Cadaw.

Waxanay Hodan intaa ku dartay inay muhiim tahay in mar walba Isha lagu hayo xaaladda Soomaaliya balse aan la baraarugin oo keliya markii ay wax dhacaan, waxaanay taa dhiggeeda tilmaantay in la taageero Dowladda iyo shacabka laguna taakuleeyo wixii ay qabsan karaan.

Donad Trump ayaa horay u sheegay in 17 Bilyan oo laga jarayay miisaaniyadda gargaarka ee wasaaradda arrimaha dibedda Dalkiisa iyo sanduuqa kaalmada Maraykanka ee USAID in loo weecinayo tayaynta Ciidamada Maraykanka

XIGASHO VOD 

W  YY

Y

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment