5772 Views

DAAWO SAWIRO HORDHAC AH :- Booqashadii R/W Kheyre Uu Ku Tagay Dagamada Dayniile

DAAWO SAWIRO HORDHAC AH :- Booqashadii R/W Kheyre  Uu Ku Tagay Dagamada Dayniile
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Warar aanu ka heleyno deegaanka Degmada Dayniile ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre uu booqaasho aan la shaacin ku joogo degmada Dayniile.

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa barqadii booqahso lama filaan ah u tagay degmada Dayniile iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyey.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hoggaaminayo wafdi isugu jiro Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda Gobolka Banaadir.

Waxaa hadda wafdiga Ra’isulwasaaraha kulan xasaasi ah la leeyihiin Madaxda Degmada, waxaana ugu muhiimsan waxyaabaha laga hadlayo sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo qaar ka tirsan taliyayaasha Ciidamada.

Ra’isulwasaaraha ayaa booqday qeybo badan oo ka mid ah Degmada Dayniile, waxaana ugu dambeyntii hadda Xaflad heer sare loogu qabtay Hotel Tropical Village, welina way socotaa xafladaas, wixii kusoo kordhana waan idinla soo socod siin doonaa Inshaa Allah.

4444444444444

88888888888

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment