4968 Views

Booqashadii Ra’iisul Wasaare Khayre ee Degmada Dayniile

Booqashadii Ra’iisul Wasaare Khayre ee Degmada Dayniile
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 22, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali KHayre ayaa booqasho ku tegay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isagoo u kuurgalay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee degmada ka jira, waxana uu Mudanuhu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo dadweynaha degamada. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada uu Ra’iisul Wasaaruhu xilliyadii ugu danbeeyey kor ugu qaadayey shaqooyinka dawladda iyo adeegyada loo fidiyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir looga hadlayey amniga ka furay degamada Dayniile, waxana shirka goobjoog ka ahaa taliyayaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga gudaha,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Dayniile u qaybiyey deeq ka ka timid dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, waxana Mudanuhu uu dawladda Imaaraadka uga mahadceliyey sida ay u garab-istaagtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya xilligan adag iyo dhammaan xilliyadii adkaa ee uu qarankeennu soo maray.

rw-khayre-dayniile-1 rw-khayre-dayniile-2 rw-khayre-dayniile-3 rw-khayre-dayniile-4 rw-khayre-dayniile-5 rw-khayre-dayniile-6 rw-khayre-dayniile-7 rw-khayre-dayniile-8 rw-khayre-dayniile-9 rw-khayre-dayniile-10

.

.

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment