2496 Views

Dawladda Ingiriiska oo ciidamo usoo diraysa Soomaaliya

Dawladda Ingiriiska oo ciidamo usoo diraysa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 22, 2017 – Dowladda Uk ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga dalkaasi oo tababarayaal ah ay soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay dowladda Uk ayaa lagu sheegay in ay ka go,an tahay in ay si weyn uga qeyb qaataan suggitaanka Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Uk ayaa sheegtay in qodobo badan oo ka mid ah Ammaanka Soomaaliya diirada lagu saari doono shirka lagu qaban doono Magaalada London ee UK.

Ciidamadaan Biritish-ka ah ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ay hormariyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda UK ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment