2898 Views

Galmudug iyo Ahlusuna oo maanta wada hadalo kaga bilaabday Muqdisho

Galmudug iyo Ahlusuna oo maanta wada hadalo  kaga bilaabday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 22, 2017 –Wada hadalada u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo uu dib u dhacyo ka jiro jadwalkii horay loo soo saaray ee ku aadanaa qabashada wada hadalada labada dhinac iyo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in wada hadalada maanta la filayo inay bilowdaan, iyadoo wada hadaladan oo lagu waday in todobaadkii hore bilowdaan ay farsamo ahaan dib ugu dhaceen.

Guddiga Wada hadalka uga qeyb galaya Galmudug ayaa xalay loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wafdiga Ahlusuna ee ku sugnaa Muqdisho ayaa kulamo la lahaa Madaxda dowladda, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo u gudbiyay shuruudo ay wateen.

Shuruudaha qaar ayaa sabab u ahaa in dib u dhac ku yimaado wada hadaladii todobaad ka hor bilaaban lahaa, waxaana jiray in Ahlsuna dalbatay in xilal ka hesho Federaalka, taasoo Madaxda dowladda marka hore ka dalbadeen inay wada hadal la galaan Galmudug.

Guddi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka, ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadaladan, iyagoo qaab dhex dhexaadin uga qeyb qaadanaya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aanay wali daacad ka aheyn dhex dhexaadinta Ahlusuna iyo Galmudug, waxaana 8 maalmood ka harsan xilliga loo balamay in la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug, taasoo mudada ka harsan aanay muuqan in wada hadalada lagu dhameyn karo, waxaase laga cabsi qabaa in wada hadalada labada dhinac in ay wax natiijo ah ka soo bixi waayaan.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment