2499 Views

Hay ada WFP Oo Gargaar Bini aadanimo Soo Gaarsiisay Daowlada Somalia

Hay ada WFP Oo Gargaar Bini aadanimo Soo Gaarsiisay Daowlada Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 22, 2017 –Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka  ayaa sheegtay in deeq noocyo kala duwa isugu jirtay la gaarsiiyay Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho , si loo caawiyo kumanaan caruur ah oo aan haysan cunto ku filan.

Gar-gaarkan oo ay keentay diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda UPS ayaa ka soo duushay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka sida ay sheegtay hay;adda WFP.

Hay’adda WHO ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad-da ay sidday dawooyin kala duwan oo lagula tacaalayo dadka ay soo riteen xanuunada ka dhashay abaarta.

Deeqdan ayaa loogu tala-galay in muddo seddex maalin gaaraysa lagu qaybiyo ,iyada oo qorshuhu uu yahay in la caawiyo dad gaaraya 31,000 oo qof oo kala jooga Somalia.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment