5190 Views

Wasaarada Waxbarashada Soomaalia Oo Kajawaabtay Hadal Dhawaan Ka Sooyeeray Kooxada Al-Shabaab

Wasaarada Waxbarashada Soomaalia Oo Kajawaabtay Hadal Dhawaan Ka Sooyeeray Kooxada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 22, 2017 –Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/raxmaan Dahir Cusmaan ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay Al-Shabaab, kaasoo ay uga digayaan Waalidiinta Soomaaliyeed in aanay carruurtooda u dirin Iskuulada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga aheyn.

 

Wasiirka ayaa sheegay in hadalka Al-Shabaab aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in Manaahijta Soomaalida uu ku saleysan yahay dhaqanka Islaamka iyo midka Soomaaliga.

“Soomaalida manhajkeeda wuxuu ku saleysan yahay Islaamnimo iyo Soomaalinimo, caqiiqadada iyo aragtida Islaamka ay ka turjumeyso”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada oo u waramayay Idaacada VOA.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment