2631 Views

DEG-DEG:-Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

DEG-DEG:-Qarax Goordhow Ka Dhacay  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 23, 2017Qarax Miino ayaa waxa uu ka dhacay xaafada kaawo-godey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, sida uu inoo sheegay Goobjooge halkaasi ku sugan.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu aasay goob ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ku taalla Isgoyska kaawo-godey ee Degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay laba Qof, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Federaalka, waxaana socda baaritaano ay wadaan Ciidanka Dowladda.
Isu socdka dadweynaha ayaa in mudo ah hakad la geliyay, inkastoo goor dhow dib loo furay, goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa ku sugan Ciidamo dheeraad ah oo amniga xaqiijinaya.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment