3768 Views

DEG-DEG:-Qarax Xoogan Oo Kadhacay Buuralayda Galgala

DEG-DEG:-Qarax Xoogan Oo Kadhacay Buuralayda Galgala
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 23, 2017 –Wararka aanu kaheleno magaalada Galgala ee gobalka Barri ayaa sheegaya in qara lala beegsaday mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada dawladda Puntland oo marayey mid kamid ah wadooyinka magaalada Galgala.

Wararka ka soo baxaya qaraxan ayaa sheegaya in ilaa hadda la xaqiijiyey in uu khasaare soo gaaray ciidamada dawladda Puntland, ilaa haddana faahfaahin dheeraad ah ma jirto.

Saraakiisha ciidamada dawladda Puntland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday ka hadlida qaraxan, waxayna sheegeen in ay war ka soo saari doonaan.

Kooxahan Argagixisada ah ayaa marar badan falalka noocaan oo kale ah ka fuliya Buuraleyda Galgala, xili ay ciidamada dawladdu si adag ula dagaalamaan, loogana guuleystay dagaalka tooska ah.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment