2691 Views

Odayaal baaq u diray xildhibaanada Galmudug

Odayaal baaq u diray xildhibaanada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 23, 2017Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay taageereen go’aankii Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ku iclaamiyeen xilliga la qabanayo Doorahsada Madaxweynaha Galmudug, taasi oo ah 30-ks Bishan.

Waxa ay Dowladda Federaalka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ka codsadeen in aan dib loo dhigin Doorashada, laguna qabto waqtigii loogu tala galay.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxa ay ugu baaqeen in ay soo doortaan shaqsi samata bixin kara shacabka Galmudug.

30-ka Bishan ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado lagu qabto Doorashada Madax

weynaha Maamulka Galmudug, waxaana socda diyaar garow ku aadan arrintaas

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment