4017 Views

DAAWO SAWIRADA:- Maxkamada Ciidamada Qalabaka sida oo maanta xukun kufulisay rag katirsan Al -Shabaab

DAAWO SAWIRADA:- Maxkamada Ciidamada Qalabaka sida oo maanta xukun kufulisay rag katirsan Al -Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 24, 2017- Saakey waxaa la toogtay 4 nin oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaas oo ka dambeeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Baydhabo 28/02/2016.

”Taariikhdu Markay Ahayd 12/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiiglayaasha kala ah:-

  1. Xasan Aadan Mursal 23 jir ah ina Cibaado Mursal ku dhashay Bakool.
  2. Cabdi-Ladhiif Macalin Aadan C/raxmaan 34 jir ah ina Dowlaay Aadan Yare ku dhshay Baay.
  3. Siyaad Xasan Faarax 41 jir ah ina Mako Haye Shiil ku dhashay Jubada Dhexe..
  4. Sharmad Aawoow Maxamad 39 jir ah ina Aamino shariif Abuukar ku dhashay Baay,

kuwaas oo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab isla-markaana ay abaabuleen fuliyeena qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay maqaayada bader iyo meel suuq ah oo ka agdhaw shirkada dahabshiil ee degmada baydhabo, halkaas oo ay ku nafwaayeen 80 ruux oo shacab ah , 45 kalane ay ku dhaawacmeen, qaraxyadaas oo ka dhacay degmada baydhabo Taariikhdu markay ahayd 28/02/2016, waxayna ku xukuntay maxkamada D,1aad Ciidamada qalabka sida Dil Toogasho ah.

Taariikhdu markay ahayd 15/03/2016 Waxaa rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xukusanayaasha.

Taariikhdu markii ay ahayd 28/04/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida ayaa U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay racfaanlayaasha sare ku xusan waxayna mar kale ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in yihiin kuwi abaabulay fuliyayna qaraxyadii mataanaha ahaa ee 28/02/2016 ka dhacay Degmada Baydhabo.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunsanayaasha Xukunkii dilka Toogashada ahaa. ”

2 3 4

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment