3231 Views

DHAGAYSO:- Gudoomiye Kuxigeenada cusub ee G/banaadir oo lagu dhawaaqo

DHAGAYSO:- Gudoomiye Kuxigeenada cusub ee G/banaadir oo lagu dhawaaqo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 23, 2017 – Waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenadii hore ee gobolka banaadir, iyadoo xililkaasi loo magacaabay kuwo cusub, kadib wareegto ka soo baxday Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga loo magacaabay Saalax Sheikh Maxamed kaasi oo bedelaya Maxamed Axmed Diiriye oo horey u soo hayey xilkan.

Sidookale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyada markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay Gabar Marwo Muluuka Dheere Sheikh cabduqaadir, taasi oo bedelaysa Isamciil Macalin Cabdi Guure oo in mudo ah soo hayay xilkan.

Cabdullaahi Xaaji Erig ayaa sidookale loo magacaabay ku xigeenka rrimaha bulshada , kaasi oo bedalaya Iimaan Nuur Iikar, Iyadoo gudoomiye ku xigeenka howlaha guud loo magacaabay maanta Aadan Sheikh Cali, xoghayaha maamulkana loo magacaabay Subeba Maxamed Mukhtaa

HALKAN KA DHAGAYSO

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment