3054 Views

DHagayso:- Maxakamada ciidmada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidmad maamulka K/Galbeed

DHagayso:- Maxakamada ciidmada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidmad maamulka K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 25, 2017 – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo Degaan ka tirsan Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ku dilay Qof shacab ah.

Halkan ka dhagayso

Askarigan ayaa horay u dilay Marxuum Qaasim Cabdiyow Xaaji Keerow, wuxuuna dhaawacay Laba caruur ah oo uu dhalay Marxuumka geeriyooday kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cali Qaasim Cabdiyow Iyo C/laahi Qaasim Cabdiyow.

Dhame Muumin Xuseen C/aahi Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay Maxkamadana la hor keenay cadeymo iyo marqaatiyo.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay markii Maxkamada la hor keenay cadeymahaasi in Maxkamada ay xukun dil ah ku riday Dhame Cali Guurow Maxamed oo Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ka tirsanaa, iyadoo xukunkii lagu riday saaka lagu fuliyay.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen Qaraxyo ka dhacay Magaaladaasi.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment