4599 Views

Yaa ka Masuula?, Xushmad Darada lagu Sameeyo Astaanta Qaran ee Dalka.

Yaa ka Masuula?, Xushmad Darada lagu Sameeyo Astaanta Qaran ee Dalka.
____________________________________________________________________________

April 25/2017 – …………

Abwaan Baa yiri,

  • Haddaad qiiro weli lee dahood dhab u qushuuceyso.
  • U dhug yeelo Qaylo dhaanta iyo qatarta soo food leh.
  • Ha qal qalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.

 Waqti  laga joogo ilaa 10 bilood, ayaan diyaarad la racay Xildhibano isugu jira Rag iyo Dumar anigoo u socda Magalada Nairobi, waxaan isku diyaarad ahayn dhowr Haweena oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka iyo laba nin oo ka tirsan Xildhibaanada barlamaanka, runtii labada nin waa laba nin oo aad looyaqaan, waxaan ka degnay Wajeer, kadiban Jomo Kenyata Airport, waxaan isku SAF noqonay Xildhibaanadii dumarka ahaa, waxaa iga horeeya dhamaan Xildhibanada dumarka ah, waxaa Safka hortiisa Taagan Qof dumara oo u shaqeysa Imagareshinka ama lanta socdalka Kenya (Immigration Officer), waxay tiri  “Qofkii aan heysan Buuga Caafimaadka Xaga ha istaago, iina dhiiba Basaboradiina”, dumarkii Xildhibanada ahaa ayaa muran ka dhex dhashay, murankuna wuxuu yahay kuwo leh “ma u dhibeyno basaborada iyo kuwa leh waan u dhibeynaa”,  waa waqtiga aan ogaanayo in Dumarkani ay yihiin Xildhibaano, waxay gacanta ku sidaan Baasabooro GADUUDAN (Diplomatic Passport), Dumarka waa dhowr qof,  dhowr ka mid ah way dhiibeen basaborada, qaarna weli gacanta ayey ku heystaan, weli murankii iyaga dhexdooda ahaa wuu socdaa, kuwo waxay leeyihiin ma dhiibeyno basaboorada, kuwana waxay leeyihiin Islantan waxay naga rabtaa Laluush ee aan siino, waxaa taa ka siidaran oo aan aad uga XUMADAY ma jiro HAL qof oo ka mid ah Dumarkaas oo ku hadli karta Luqadaha  “Siwaxiliga ama English ka”, Mid ka mida dumarka oo aad u Xanaqsan waxay AfSoomaali ku leedahay “kuu dhiibi mayno, No No”

Waxaan aad uga carooday islaanta sharafta ka qaaday Basaboorka mudan in la sharfo, waxaan ku iri si xushmad leh, Marwo “ma ogtahay sharafta iyo Karaamada uu mudan yahay Basaboorka aad gacanta ku heyso?, intay kor ii fiirisay ayey igu tiri “aniga maha qofka aad waydiin lahayd su’ashaas”, adigase maxaa kaa quseeya”?  waxaan ku iri dumarkani aad handadeyso waxaad ogaatay in aysan luqada aqoon, oo aysan kuu jawaabi karin, sidaasi darteed inaad xushmeyneysid sow maahan?, isla markaana waxaad meel uga dhacday sharafta basaboorka, lakiin waxaan ku tusi in aad ku wayso shaqadaada, waayo ma aha in aad dadka hortooda ku handado dad xushmad kaa mudan oo diblumasiyiin ah, ee waxay ahayd in aad la tagto meel gooni ah “private office”, kuna waydiiso waxa aad ka rabto.

Waxaa taa ka siidaran oo igu noqotay filanwaa, labadii raga ahaa ee xildhibaan, iyaga ayaa isdeberay, wayna Bexeen oo dib uma soo fiirin dumarkii la heystay, waxaana hubaa nin kamid ah ragaas, hadii uu la hadli lahaa Immigratshinka Qofka Masuulka ka ah in dhamaan Xildhibanadaaas  si sharaf ah loo sii dayn lahaa,  Laakiin ma dhicin nasiib daro, mana jirin wax murugo ah oo ka muuqday nimankaas xildhibanada ah!!!,  mar aan ku arkay banaanka Airporka iyagoo sugaya Gaadiidkii qaadi lahaa, waxaan ku iri “Xildhibaan maxaad uga soo tagteen dumarka laheysto”, wuxuuna igu yiri “dumarkan waa dad madax adag oo jaahiliin ah, mar walba waxaa ku dhahaa sameysta Buuga Caafimaadka, mana sameystaan”, waxaan ku iri “majira miyaa Xafiis Borotakoolka u qabilsan Baarlamanka? wuxuu igu yiri “Adeer ma jiro nidaamkaas aad ka hadleyso” waxan ku iri “maxaase loogu diyaarin wayey Xildhibaanada adeegyada muhiim ah ee la xiriira safaradooda?,

Xildhibaankaas ima siin jawaab aan ku qanco!!!

War iyo dhamaan, waxaan Fariin u dirayaa Hogaamada labada Gole in ay howl geliyaan Xafiisyada Borotakoolka u qaabilsan Golayaasha, si loo fududeeyo Tasiilaadka Safarada, waxaana waa jib ah Xildhibaan kasta ee safar loo dirayo in loo diyaariyo, wixii tasiilaad ah ee looga bahan yahay Safarkooda, iyadoo la wargelinayo dowladaha ay Taransitka ku yihiin iyo Dowlada ay u socdaan la badaba, waana in la ilaaliyo Xushmada Xildhibaanada, waxaa kaloo aad u muhiim ah in ay mar walba ay qayb ka noqdaan safarada Xildhibaano ku hadli kara LUQADAHA Internashinalka  ah.

Walee meelow jira dheeraa “Allow kuu naxariiso” Marxuum, Maxamed Ibraahim “Liiq liiqato” waxaan Xasuustaa maalin uu ka sheekeenayey safar uu ku tagay wadan dibada ah, isaga iyo wafdi uu hogaamineyey, ayaa soo dhaweyntiisi wax laga qalday, markaasuu ka Xanaqay Xushmad darada lagu sameyey, arintaas waxay dhalisay in Shaqada laga Eryo Shaqsigii Borotakoolka u qaabilsanaa maalintaas wadanka uu booqashada ku tagay, si loo raali geliyo, waxaana loo shegay in laga Eryey Shaqada Shaqsigaas,  Allah u Naxariistee Mudane,  Liiq Liiqato wuxuu ku yiri “ma ahayn shaqsigaas in aad shaqada ka joojisaan ee waxay ahayd in aad mar hore siisaan Taba bar Fiican”

Maantana waxaa sharaftii laga qaaday, Astaantii Dalkeena oo ah Baasaboorkii Casaa ama Gaduudnaa, waxaa taas ka sii daran waxaa watada Shaqsi aan aqoon Luqadii uu ku difaaci lahaa Sharafta Baasaboorka uu wato ee ah Astaanta Qaran.

Ugu dambeyn waa in si deg ah, wax looga qabtaa wax kasta oo dhawacaya Karaamada iyo Sharafta Umada iyo Dalka, waxaana la gaari doonaa waqti lagu Abaal mariyo Wanaag iyo Xumaan, Qof kasta oo Xil soo qabta.

.

W/Q Cumar Farax

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment