2727 Views

Maamulka Puntland oo Gacanta ku soo dhIgay wax yaalaha qarxa

Maamulka Puntland oo Gacanta ku soo dhIgay wax yaalaha qarxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howl gal ay sameeyeen ku fashiliyay qaraxyo iyo weerar toos ah laga geysan rabay magaalada Boosaaso, iyagoo gacanta ku dhigay 5 ruux oo la tuhunsan yahay inay weerarkaas maleegayeen.

Howl gallo ballaaran oo Ciidamada ka wadeen xaafadaha Boosaaso ayay ugu suura gashay inay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri ku yaal Boosaaso, gaari lagu fulin lahaa iyo shan nin.

Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso C/rashiid C/raxiin Ismaaciil ayaa sheegay in waxyaabahan qarxa ay isugu jireen fustooyin iyo waxyaabo kale oo qarax sameeya.

Waxaa uu sheegay in la qorsheynayay in la weeraro saddex meelood, isla markaana marka qaraxyada dhacaan ay rag hubeysan gudaha u galeen, isagoo aan carabaabin halka la doonayay in la weeraro.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta u soo bandhigaan saxaafada ragga lagu qabtay waxyaabaha qarxa iyo faah faahinta howl galkan.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qors

heysan iyo qaraxyo ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadyo ka hor Maxkamadda Ciidamada Puntland dil toogasho ku fulisay illaa shan dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna dilal uga geystay Boosaas

1 2 3

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment