2988 Views

Dawlada uu hogaamiyo Madxweyne Farmaajo oo soo bandhigtay qorshaha aminga Qaranka

Dawlada uu hogaamiyo Madxweyne Farmaajo oo soo bandhigtay qorshaha aminga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamud Sh. Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan Madasha Qaranka lagu go’aamiyey.

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelaneyso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayeynta cidianka Soomaaliyeed.

Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax aheyn laga bixinayo tanoo aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran – Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha cidianka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;

  • Ciidanka Lugta
  • Ciidanka Cirka
  • Ciidanka Badda

Waajibaadka ciidanka XDS waa;

  • Ilaalinta midnimada Qaranka
  • Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
  • Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galiyaan xasiloonida dalka

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

 .

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment