3609 Views

Dhagayso:- Barlamaanka Jamacada Carabta oo kahadlay Soomaalidii lagulaayay dalka Yaman

Dhagayso:- Barlamaanka Jamacada Carabta oo kahadlay Soomaalidii lagulaayay dalka Yaman
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa bayaan kasoo saaray Qaxootigii Soomaaliyeed ee dhawaan lagu laayey dalka Yemen isla markaane tallaabo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa cidii ka danbeysay Xasuuqa Qaxootiga Soomaaliyeed.

HALKAN KA DHAGAYSO

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Xildhibaanada Jaamacada Carabta ayaa sheegay iney hordhigeen Baarlamaanka Carbeed laba Qodob oo kala ah in Gudi Xaqiiqo raadin ah loo saaro Qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey dalka Yemen iyo in gargaar deg deg ah lala gaaro Shacabka Soomaaliyeed ee ay Saamaysay Abaarta.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in la isku raacay in Guddi Xaqiiqo raadin ah loo saaro duqaynta loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed,Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta uu Cambaareeyey falkaasi,Baarlamaanka Carabta ayaa sidoo kale go’aamiyey in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan inta aan la gaarin Bisha Ramadaan

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment