2301 Views

DHAGAYSO:- Xildhibanada Baralamaanka Soomaaliya oo baaq u diray xukuumada Fadaraalka Soomaaliya

DHAGAYSO:- Xildhibanada Baralamaanka Soomaaliya oo baaq u diray xukuumada Fadaraalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene oo ah Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Korjoogteynta Howlaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo Howlaha gargaar ee ka soconayo Dalka.

HALKAN KA DHAGAYSO

Waxa uu Ra’isal Wasaaaraha Soomaaliya ugu baaqay in la is Waafajiyo Shaqooyinka Wasaarada Gargaarka iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Safaaradaha, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha in loo sameeyo Hal Xarun oo ay kala soo xiriiraan howlaha gargaar oo ay u sameynayaan dadka ay abaaraha saameeyeen.

Waxa uu sidoo kale Ra’isal Wasaaraha ugu baaqay in si gaar ah looga fakiro amaanka goobaha laga qeybinayo gargaarka maadaama sida uu sheegay in ay jiraan Rag burcad ah oo dadka Masaakiinta Raashiinka ka dhaca.

Guddigaan uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ayaa waxa ay shaqadoodu tahay koormeerida howlaha ay wadaan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Shalay ayaa Guddigaan waxa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka hor aqriyay Warbixin la xiriirtay waxyaabaha ay qabteen iyo sida ay u socdan howlaha gargaar ee ka soconayo Dalka.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment