3558 Views

Dowlada Shiinaha oo dawlada Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 10 Milyan

Dowlada Shiinaha oo dawlada Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 10 Milyan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan 10 Milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Lacagtaan ayaa loogu tala galay in lagu iibiyo Cuntooyin iyo sidoo kale dawooyin loogu tala dadka dhibaateysan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa u mahadcelisay dowladda Shiinaha oo lacagtaan ku wareejisay Hay’adda WFP.

Waxa ay sheegtay in lacagtaan lagu soo gadi doono waxyaabo muhiim u ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka ay waddo qorshe lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Dhankale Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.

.china-10mil-for-somalia-2 china-10mil-for-somalia-3 china-10mil-for-somalia-1

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment