3666 Views

Liiska wasiirada lalaxisaabtamo ee xukuumada

Liiska wasiirada lalaxisaabtamo ee xukuumada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2017 –  Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta iney iska ilaaliso masuq maasuqa haraadiyay Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ay si joogta ah ula xisaabtamaan qaar kamid ah golaha wasiirada.

Wasiirada lala xasaabtamayo ayaa ah kuwa xilalka ugu sareeya ka haya xukumadda Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana ay mar walba diyaariyaan shaqo maalmoodkooda.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in isla xisaabtanka guud kadib uu si gaara ula xisaabtami doono Wasaaradaha ugu mashquulka badan ee gacanta ku haya howlaha ugu badan kuwaa oo kala ah:

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Cabdi Faarax Siciid (Juxa)

2-Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)

3-Wasiirka Gaashandhigga, C/rashiid C/llahi Maxamed

4-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Yuusuf Garaad Cumar

5-Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle

6-Wasiirka Cadaaladda, Avv Xasan Xusein Xaaji

Wasiirada Wasaaradahaani ayuu sheegay in looga baahan yahay inay la imaadan shaqooyin hufan, waxa uuna sababta ku sheegay inay yihiin kuwa ugu mashquulka badan marka la eego baahida Qaranka iyo Shacabka.

Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada haya Wasaaradahaani uu kula sixaabtami doono waxa ay qabteen iyo waxyaabaha ay ka gaabiyeen waxa uuna si cad u sheegay inaanu wada shaqeyn doonin Wasiirkii ku kaca fal sumcad dilaaya Qaranka.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa marar badan si kedis ah ubooqday xafiisyada wasaaradaha si uu u usoo arko shaqada ay qabanayaan.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment