3153 Views

R/wasaare Kheyre oo wax laga waydiin doono Arimaha Isku Dhafka Ciidamada

R/wasaare Kheyre oo wax laga waydiin doono Arimaha Isku Dhafka Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in su’aalo ku aadan qorshaha dhismaha Ciidamada laga weydiiyo, kulan gaar ah oo caawa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa, kaasoo looga yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya Warbaahinta ay dibad joog ka noqon doonto kulankan gaarka ah ee su’aalaha lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay dood kulul ka yeeshay mooshin laga keenay qorshaha Amniga Qaranka ee ku saabsan dhismaha Ciidamada, iyadoo Xildhibaanada si adag uga soo horjeesteen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qorshahan uu halis ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sidaas darteed ay Madaxda dowladda sameeyeen mas’uuliyad darro weyn.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshahan oo la doonayo in la horgeeyo shirka London ay ka hor imaaneyso dhismaha Ciidamo Qaran ay yeelato Soomaaliya, iyo barnaamijkii isku dhafka Ciidamada ee ay waday dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qorshaha Amniga Qaranka ee dhismaha ciidamada, kaasoo dhigaya in la dhiso 18,000 oo ciidan, kuwaasoo min 3-kun uga imaanaya Maamul goboleedyada

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment