2679 Views

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland oo cadeeyey mowqifka dowladda Puntland ee ururka Saadicuun Bilxaq

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland oo cadeeyey mowqifka dowladda Puntland ee ururka Saadicuun Bilxaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 27, 2017 – Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dowladda Puntland ay wali ku taagan-tahay go’aankeedi ahaa in ururka Al-Saadicuun Bil-xaq uu yahay mid aan laga ogalayn deeegaanada gobolka.

Eng. Camey ayaa dhaliilay in Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Gen Muxiyadiin ay la kulmeen ururkaasi oo ay warbaahinta ka sheegeen war aan dowladda mowqifkeeda aheyn.

Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay tii ugu horeysay ee go’aan kasoo saarta ururkaasi go’aankeedana sidii hore yahay oo ururkaasi mamnuuc ka yahay Puntland, taasina uu u cadeynayo maamulada kale ee dalka oo soo weydiiyey in Puntland go’aankii hore kaga baxday.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne ayaa maalmo ka hor magaalada Garowe ku soo bandhigay rag ka tirsanaa ururkaas iyo Takfiirka ,kuwaasi oo uu sheegya in dowladda ay heshiis kala saxiixdeen.

Ugu danbayn, arintan ayaa ku soo beegmaysa ,iyada oo gabi-ahaanba ururka laga mamnuucay guud ahaan Somalia.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment