2796 Views

Wasarada Garsoorka oo codsatay in ladhiso kabayaasha adeega Garsoorka

Wasarada Garsoorka oo codsatay in ladhiso kabayaasha adeega Garsoorka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 27, 2017 – Wasiirka Garsoorka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Garsoorka Baarlmaanka u qaabilsan, iyaga oo ka wada hadlay da dejinta Guddiga Adeega Garsoorka.

Kulankan uu Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya uu la yeeshay Guddiga Garsoorka Baarlamaanka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid la doonayay sidii loo dhisi lahaa Guddiga Adeega Garsoorka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku raacay sidii Guddiga Adeega Garsoorka loo dhisi lahaa.

Dhanka kale Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan ay si wanaagsan u wada shaqeynayaan laamaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment