2733 Views

Dhagayso :-Madaxwenaha Maamulka Soomaaliland Oo ka hadlay Doorashada Somaliland

Dhagayso :-Madaxwenaha Maamulka Soomaaliland  Oo ka hadlay Doorashada Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 28, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Madaxweynaha sanadkan geba gebadiisa ka dhaceysa Magaalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay in aysan dhici doonin dib u dhac ku yimaada Doorashada mar kale, ayna ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo ah 13-ka November 2017-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay yihiin dad isku wada kara howlaha gurmadka Abaaraha iyo qaadashada kaaka codbixinta, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sheegay hada in ay ku howlan yihiin u gurmashada dadka ay saameeyeen Abaaraha.

Dhowaan ayay aheyd markii Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in ay si qotodheer uga niyad jabeen Doorashada Somaliland, kadib markii dib loo dhigay.

 

HALKAN KA DHAGAYSO

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment