2745 Views

DHagayso:-R/Wasaare Kheyre Oo Kahadalaly Shirka Dhawaan Kafurmidoona London

DHagayso:-R/Wasaare Kheyre Oo Kahadalaly Shirka Dhawaan Kafurmidoona London
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 28, 2017 –Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa ka hadlay shirka bilowga bisha May ee sanadkan ka furmaya Magaalada London, kaasi oo uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay shirka London in uu yahay mid ka shaqeyntiisa ay soo bilaabatay inta aan Doorashada la gelin, kaasi oo Dowladda Ingiriiska ay ugu tala gashay in la garab istaago Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Mudane Khayre shirkan in looga hadlayo Amniga, Dhaqaalaha, Dowlad wanaaga iyo arrimo kale, isaga oo sheegay wixii ka soo baxa shirkan in lala wadaagayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay Qaraxyada dhaca Bisha Ramadaan, ee dadka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan marka la gaaro Bisha Ramadaan, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay wax badan ka qaban doonaan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta ka qeyb galayay Barnaamij Todobaadle ah oo si toos ah uga baxayay TV-ga Warbaahinta Dowladda.

 

halkan ka dhagayso

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment