2904 Views

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Nin ay Ciidanka Ammaanka ku dileen Degmada Wadajir

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Nin ay Ciidanka Ammaanka ku dileen Degmada Wadajir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 28, 2017 – Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Nin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku toogteen Isgoyska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ninkan ay Toogteen Ciidamada ammaanka ayaa waday Gaari Caasi ah, Ciidamada ayaa ku amray in uu istaago, si loo baaro, wuxuuna Gaariga u waday si xowli ah, Ciidamada ayaa kashiyay, sidaasi ayay Ciidamada ku toogteen.

Falkan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane gaar ahaan dhanka Iridka Madiina Gate, halkaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.

Markii uu falkaas dhacay ayaa la wacay Ciidanka AMISOM, kuwaasi oo baaritaano ku sameeyay Gaariga iyo Ninkii waday oo Ciidamada ay ugu shakiyeen in Gaariga ay saarnaayeen walxaha Qarxa.

Baaritaan kadib ayaa la ogaaday Ninka Gaariga waday in uu ka soo cararay Ciidamada Canshuurta qaada, sidaasina uu Gaariga ugu soo kaxeeyay si xowli ah, ayna sababtay in Ciidamadan ay ka shakiyaan, sidaasina ku toogtaan.

Guddoomiyaha Degmadiisa falkan uu ka dhacay Axmed Cabdulle Afrax ayaa  Q.O.L u sheegay Ciidamada ammaanka in Gaariga ay ka shakiyeen, sidaasina ay ku toogteen ninkaasi.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment