3486 Views

Gudiga Gurmadka Abaarah Qaran Oo Maanta Gortagay Golaha Shacabka

Gudiga Gurmadka Abaarah Qaran Oo Maanta Gortagay Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 29, 2017Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Warbixinta Guddiga Abaaraha ayaa waxa ay la xiriirtay halka lagu bixiyay lacago laga jaray Xildhibaanada iyo halka ay marayaan Howlaha gurmadka.

Yaxye Cali Ibraahim oo Xubin ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa Xildhibaanada ka hor jeediyay warbixinta, waxa uuna Xildhibaanada ka codsaday in ay ka qeyb qaataan Howlaha gurmadka ee Dalka ka soconayo.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Warbixinta ay Gudiga jeediyee, waxaana Xildhibaanada qaar ay sheegeen in aysan wax shaqo ah aysan ka socon Guddiga.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Guddiga Abaaraha ku eedeeyay in ay lacagaha iska hayaan oo keliya balse aysan ku daboolin baahiyaha jira iyo in aan si sax ah loo gaarsiin dadkii u baahnaa gurmadka.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaayay in Guddiga aysan si Cadaalad ah wax ugu qeybin dadka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka ku nool.

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka, Xildhibaanada ayaa sidoo kale Maanta loo qeybiyay Habraaca soo diyaarinta

Warbixinta Xildhibaanada aadaya degaan doorashooyinka Marka la xero Kalfadhiga Koowaad ee Baarlamaanka.

Halkan Kadhagyso 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment