2283 Views

Mudaaharaad Kasoconaya Dalka dalka Brazil

Mudaaharaad  Kasoconaya Dalka  dalka Brazil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 29, 2017 –Madaxweynaha Brazil Michel Temer ayaa cambaareeyey rabshadaha ka socda magaaladda Rio de Janeiro ee dalka Brazil, Waxayna tani noqonaysaa shaqo-joojintii ugu balaarneyd ee ka dhacda dalkaasi.

Rabshadahani ka socda dalka Brazil ayaa waxaa lagu gubay gawaari basas ah iyo hanti kale, Waxaana sidoo la burburiyay jidgooyooyin ay dhigeen dadka dibadbaxay sameynayay.

Ururada shaqaalaha ayaa ku baaqay banaanbaxyadani kaddib markii madaxweynuhu uu ku dhawaaqay isbadal lagu samaynayo lacagaha la siiyo dadka howlgabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sii wadayo isbadalka dalka dib loogu habaynayo, waxaana sidoo kale xiran iskuulaadka, dukaamada iyo xafiisyo badan oo ah kuwa dowlada.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment