2790 Views

DHAGAYSO:- Banaabax Ka Dhacay Dagmada Warsheeq

DHAGAYSO:- Banaabax Ka Dhacay Dagmada Warsheeq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | may  01, 2017—Degmada War-shiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran, sida uu soo sheegayo wariyaha Qaranimo.com ee Magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne isaga kala yimid dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi, waxaana soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada.

Banaanbaxan ayaa shacabka waxa ay ku dalbanayeen in Maamulka Hirshabeelle loo ogolaado in uu furto Dekadda Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo in loo ogolaado in Magaalada Jowhar ay yeelato Garoomo Diyaaradeed.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay ka dalbadeen in Hirshabeelle ay hesho wax walbo ay heystaan Maamulada kale.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka dagamada  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Qaranimo.com ayaa sheegay in ay sii wadayaan Banaanbaxyda ilaa qeyla-dhaantooda laga jawaabo.

halkan ka dhagayso

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment