2796 Views

Dhagayso:- Dhalinyaro dib loogu sooceliyay Muqdisho

Dhagayso:- Dhalinyaro dib loogu sooceliyay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  01, 2017— Dhaliyaro Sooomaaliyeed oo gaaraya ilaa 7 ruux oo min 7 sano oo xabsi ah kusoo qaatay jaziirada Seychelles ayaa waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde international airport ee magaalada Muqdisho.

mid kamid ah dhaliyaradaasi dalka dib ugusoo laabtay ayaa waxa uu sheegay in laga qabtay biyaha badda Soomaaliya isagoona sheegay in muddo 7 sano oo xabsi lagu xukumay sidaasina uu xabsigaasi uu ku muteestay.

waxuu sidoo kale uu sheegay in loo soo qabtay fal burcad badeednimo iyagoo ka kaluumeesanaayey biyaha fog ee badda Sooomaaliya, dhalinyaradaan maanta dalka dib ugusoo laabtay ayaa waxa ay inoo sheegeyn in mid kamid ah uu indhaha kusoo beelay xabsiyada jaziirada Seychelles.

dhalinyaradaan dalka dib ugsoo laabtay ayaa dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in ay wax u qabtaan dhalinyaro kale oo ku dhibaateesan xabsiyada jaziirada Seychelles, kuwaasi oo ay sheegeen in ay si sharci darro ah ay ugu xiranyahiin xabsiyadaasi.

Halakn Ka dhagayso 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment