2526 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kahadlay safaradii uu dhawanada uu galay

Madaxweyne Farmaajo oo kahadlay safaradii uu dhawanada uu galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | may  01, 2017 — Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarada uu ku aado dibada, oo uu kii ugu danbeeyey ku tagay dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in socdaalka uu ku aado wadamada kale ay keentay casuumaad uu ka helay wadamada saaxibada la’ah Soomaaliya oo uu tilmaamay in diyaaradaha qaada wafdiga madaxweynaha ay soo diraan, islamarkaana danaha dadka dalka arrimo la xariira uu u safro.

Intii uu ku jiray olalaha doorashada madaxweyne Farmaajo waxaa uu ballan qaaday inay yaraan doonaan safaradiisa, kana duwanaan doono madaxdii ka horeysay, hayeeshee tan iyo markii la doortay madaxweynuhu waxaa uu baxay ilaa 5 safar oo uu midkii ugu danbeeyey ku tagay Turkiga.

Halkan Kadhagayso

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment