5760 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Germany ahna ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Germany ahna ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha oo booqasho ku yimid Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 01, 2017 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel oo booqasho ku yimid Muqdisho ayaa waxaa uu ugu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Wasiirka kala hadlay sidii ay Dowladda Jarmalka u noqon lahayd codka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo in Soomaaliya laga taageero dhinaca horumarinta, shaqo abuuridda iyo sugidda amniga dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in Soomaalya ay ku talaabsatay horumar, wuxuuna sheegay in ay Dowladda Jarmalku xiriir dhow la yeelan doonto Soomaaliya. Beesha caalamka wuxuu ku booriyay in ay laba laabto dadaalkeeda ku wajahan horumarinta Soomaaliya.

Wadahadalka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru Dowlada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale.

Muqdisho ka dib, wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalku wuxuu booqday magaalada Baydhaba oo ka mid ah deegaannada ay abaaruhu aadka u saameeyeen.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment