4215 Views

DAAWO SAWIRADA:-Marxuum Siraaji Oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyayay

DAAWO SAWIRADA:-Marxuum Siraaji Oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | may  04, 2017—Allaha Unaxariistee waxaa gelinkii dambe ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu Aasy Wasiirkii Holwaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo xalay fiidkii Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, isaga oo wata Gaarigiisa.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyg galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale.

Marxuumka ayaa markii waxaa Salaada Janaasada lagula Tukadata Masjid ku yaalla Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Salaada janaasada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madax kale, kadib waxaa loo qaaday Qabuuraha ku yaalla Isbitaal Madiina, halkaasi oo lagu Aasay.

Qaar ka tirsan Masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay Marxuum Cabaas in Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tagayna uu samir iyo Iimaan Alle ka siiyo, waxayna sheegeen in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.

Ehelada Marxuumka ayaa dhankooda Dowladda Federaalka waxa ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas.

 

1 2 3 4 6 99

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment