Muqdisho | QOL | may 04, 2017—Qaramada Midoobay oo ka hadashay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa sheegtay falkaasi in uu ahaa mid laga Argagaxo.
Micheal Keating Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid naxdin leh, wuxuuna tilmaamay in uu aad uga murugeysan yahay Geerida Wasiir Siraaji.
Keating ayaa Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
“Dilkii Wasiir Siraaji waxa uu mid Argagax leh, naxdina leh, ani ahaan aad baan uga murugeysanahay, dhammaan Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waan uga Tacsiyadeynayaa” Ayuu yiri Keating.
Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxayay oo iftiimin lahaa mustaqbal ifaya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________