6291 Views

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 03 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda, kulankan oo soconayey labo cisho ayaa Waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxana ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirada, iyadoo uu gunaanadkiina goobjoog ka ahaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Barnaamijkan oo hal Ku dhiggiisu ahaa “kororka kalsoonida shacabku waa dakhliga Xukuumada” ayaa si ballaaran looga dooday rajada dadka Soomaaliyeed iyo daruufahooda gaar ka ah,waxana intii uu socda baahidooda laga dhagaystay qaar Ka mid ah shacabka kuwaa soo lagu marti qaaday shirka.

Guddomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ku soo bandhigay qorshaha ay Ku wada shaqeyn doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isagoo tilmaamay in uu si wanaagsan ula shaqaynayo Xukuumadda, isla markaana loo baahan yahay in Wasaaradaha iyo Guddiyada Baarlamaanka ee wada shaqeyntu ka dhaxayso xiriir wanaagsan yeeshaan si meesha looga saaro wax walba oo caqabad ku ah shaqooyinka ka dhexeeya labada Hay’adood.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gudnaanadka Shirka faah faahin dheer ka bixiyay qorshaha horyaala Xukuumada iyo qaabka loo marayo fulintooda, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in dalka loo sameeyo aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Isagoo kula dar-daarmay Golaha Wasiirada in ay la yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan shaqada. Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay sida ay mar walba laogama maarmaan u tahay ilaalinta hantida qaranka , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ugu danbeyntii xusay in Xukuumadda uu hoggaamayo ay ka go’an tahay xiriir wanaagsan oo iskaashi iyo wax-wada qabsi ku dhisay lala yeesho Caalamka, shirkanina uu yahay mid dhabaha u xaaraya sidii loo heli lahaa Dawladda ku dhisan isla xisaabtan iyo wada shaqayn. wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday sidii loo dajin lahaa barnaamij sal-ballaaran oo looga xaajoonayo deymaha lagu leeyahay dawladda Soomaaliya.

rw-khayre-xiray-kalfadhiga-b-3 rw-khayre-xiray-kalfadhiga-b-1 rw-khayre-xiray-kalfadhiga-b-2 rw-khayre-xiray-kalfadhiga-b-4

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment